U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo La Wareegay Degmada Owdheegle, Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya degmada Owdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan DANAB ay goordhow si buuxda ula wareegeen degmadaasi.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee la socda Ciidanka Xoogga ayaa soo sheegaya in ciidamadu  ay isku fidiyeen dhammaan qaybaha kala duwan ee degmadaan xaaladuna ay tahay mid degan.

Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odoyaa Yuusuf Raage oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa  sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta ay Al-Shabaab ka saareen Owdheegle.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ciidammadu haatan ay wadaan baaritaano balaaran oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka.

Goobjoog News