U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo Sheegay inay Howlgal Ku Dileen Xubno Ka Tirsan Al Shabaab

Sheeko:Amniga

Kaddib howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameeyeen tuulooyinka Buulo-urunji iyo Busleey oo hoosyimaada deegaanka Jannaale ee gobolka shabeellaha hoose ayay ku dileen 18 kamid ah dagaalamayaasha  Al-Shabaab kuwaasi oo ku sugnaa dhulka howdka ah ee tuulooyinkaasi, sida lagu baahiyay warkan warbaahinta dowladda.

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka uu yimid  kadib markii dadka degaanka ay la soo wadaageen xogta dagaalamayashan la dilay sidaasna ay ugu suuragashay in howgal qorsheysan lagu dilo 18 kamid ah Al shabaab.

Waxaana intaas uu hadalkiisa ku daray taliye Dirir inay gubeen doomo Al shabaab ay isaga kala gudbi jireen Wabiga Shabeelle ee mara Jannaale iyo degaannada kale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada huwanta ah ee ku sugan gobalka Shabeellaha hoose ayaa muddooyinkii dambe waday howlgallo ka dhan dagaalamayaasha Al shabaab ee iyaguna gobalkaasi ku xooggan.

Goobjoog News