U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaan Ka Tirsan Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada dowladda qeybta 27-aad iyo 21-aad oo muddooyinkii dambe howgallo ka wadagay gobolka ay maanta Al-shabaab kala wareegeen deegaan hoos taga degmada Maxaas ee gobolkaas, kadib howlgal ay qaadeen ciidanka huwanta ah.

Ciidanka ayaa si nabad ah oo aan dagaal dhicin kula wareegay deegaanka Teedan, kadib markii xooogagga  Al-shabaab ay isaga baxeen deegaan, markii ay ka war heleen in ciidanka dowladdu ay ku soo wajahan yihiin, waxaana deegaanka gaaray wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Al-shabaab ayaaa qarxiyay Ceel Biyood ku yaallay deegaanka Teedan, kaas oo dadka deegaanku ay biyaha ka cabi jireen, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka ee hoggaaminaya howlgalka, waxaana ay intaas ku dareen in ay ku raad joogaan ciidakii ka tirsanaa Al-shabaab ee isaga baxay deeganka hoostaga Maxaas.

Ciidamada xoogga ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay howlgallo ka waday waqooyiga gobolka Hiiraan, iyaga oo Al-shabaab kala wareegay deegaanno hoos taga degmooyinka Maxaas iyo Matabaan, waxaana howlgalkaan qeyb ka ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan xildhibaanno iyo wasiirro.

Goobjoog News