U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Howlgal Ka Sameeyay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Mudug

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa  Danab ayaa xalay Howlgal qorshaysan  waxa ay ka sameeyeen deegaanka Wargalo oo hoostaga Degmo Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Howl-galkaan ayaa ahaa mid qorsheysan waxa ayna Ciidamada Xoogga ee Danab ay ku qaadeen gooba looga shakisnaa inay ku sugnaayeen  Al-shabaab .

Ciidamada Xoogga dalka ayaana gacanta ku dhigay hal nin oo looga shakinsanyahay inuu ka tirsanyahay argagixisada kaddib markii loogu galay guri uu ka deggenaa deegaanka .

Inta la xaqiijiyay hal askari oo ka tiran Ciidanka Danab ayaa ku dhaawacmay howlgalka waxaana ganacta lagu dhigay mid ka mid ah kooxihii bartilmaameedka u ahaa Ciidamada.

Deegaanka Wargalo ayaa qiyaastii 70 kiilo mitir dhinaca koofur Bari kaga beegan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa hore howlgallo uga sameeyay deegaanno badan oo hoostaga Degmada Hobyo kuwaasi oo ay sheegeen in ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Goobjoog News