U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Ka Hadlay Howlgallo Laga Sameeyey Shabeellada Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ka wada gobolka Shabeelada hoose ayaa ka warbixiyey howlgalladii ay qaadeen saacadihii lasoo dhaafay oo ay sheegeen in ay ku dileen hoggaamiye ka tirsan Al-shabab iyo tiro dagaalamayaal ah oo la socday.

Taliyaha ururka 143-aad ee ka howlgala gobolka Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay idaacada ciidamada qalaba sida ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey lagu dilay sarkaal iyo 10 dhowr dagaalame oo ka tirsan Al-shabab.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalladaan ay si gaar ah uga dhaceen buundada Bariire iyo tuulada Nuungare oo ka tirsan gobolka shabeelada hoose, taliyaha sidoo kale sheegay in hoggaamiyaha la dilay lagu magacaabo Siidow Nuur Abuu Muxsin oo madaxii Jamhadda ee gobolka sida uu hadalka u dhigay taliyaha.

Ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM ayaa howlgallo  ka wada gobolka Shabeelada hoose, kaas oo ka dhan ah Al-shabab, oo deegaanno dhowr ah kaga sugan gobolka, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo u dhaxeeyo ciidamada howanta ah iyo Al-shabab.

Goobjoog News