U bood dhigaalka

Ciise Hayatou Oo La Soo Taagayo Maxkamad Qaahira Ku Taallo

Sheeko:Dalka

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka  Masar ayaa sheegay in maxkamad la soo taago madaxa ururka kubadda cagta ee qaaradda Afrika oo loo yaqaano Caf Ciisa Xayaato iyo xoghaya guud ee ururka Hishaam Al-cimaari, kuwaas oo xeer ilaaliyaha uu faray in la soo taago maxkamad dhanka dhaqaalaha ah, ka dib markii lagu eedeeyay inay jabiyeen sharciga tartanka ciyaaraha waddanka Masar oo ah in tabinta horyaalada qaaradda ay siiyeen shirkad gaar ah.

Kooxda ilaalinta iyo kormeerka tartamada Masar ayaa waxay sheegtay in Ciise Xayaatoo uu siiyay shirkadda Lagardère Sports tabinta horyaalada qaaradda Africa muddo dhan 20 sano xiriir ah.

Dhanka kale hadal ka soo baxay midowga Africa ee ciyaaraha oo xaruntiisa ay tahay magaalada Qaahira ee caasimadda waddanka Masar ayaa waxa uu sheegay in wax isdaba marinta iyo eedeymaha loo soo jeediyay ururka ay tahay been abuur, isagoo ku tilmaamay in warbaahinta qaar ay sameeyeen dacaayado waxba kama jiraan ah.

Ururka ayaa warbixintiisa waxa uu ku sheegay inuu difaaci doono sharaftiisa iyo xaquudiisa,isagoo adeegsanaya dhammaan waxyaabaha uu siinayo sharciga caalamiga ah.

Ciise Hayatou ayaa waxa uu jiraa 70 sano waxa uuna u dhashay waddanka Cameron waxa uu qabtay xilka ururka sanadkii 1988dii, iyadoo mudada uu xilka hayay gaarayso 29 sano, sidoo kale waxa uu ku geelaystay doorashada ururka muddo dhan afar jeer, waxaana lagu wadaa in maalinta khamiista ah oo soo socota lagu qabto doorashada ururka magaalada Adis-ababa ee caasimadda waddanka Ethopia.

Goobjoog News