U bood dhigaalka

Ciiyaaryahan Ka Tirsanaan Jiray Qaranka Soomaaliya Oo U Geeriyooday Xanuunka Coronavirus

Sheeko:Dalka

Waxaa saacadihii la soo dhaafay soo baxayey dadka Soomaalida ah ee uu soo ritay xanuunka Coronavirus kuwaas oo u geeriyooday, kuna  noolaa waddamada Yurub ee xanuunka uu sida aadka ah u saameeyey.

Magaalada London ee caasimadda waddanka Ingriiska waxaa maanta caabuqa Coronavirus ugu  geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed kaas oo deganaa magaalada London oo dhowaanna uu caabuqu haleelay .

Cabdulqaadir Maxamed Faarax Biriq ayaa oo ah ciyaaryaahan si  weyn looga yaqaanay  gudaha Soomaalida dhexdeeda, isaga oo ahaa ciyaaryahan ka tirsanaa xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxdii Batroolka.

Allah u naxariistee Abdulqaadir Maxmed Faarax ayaa muddooyinkii dambe la xanuunsanayey Cudurka Coronavirus oo haleelay, waxaana maalmiihii dambe lagu baxnaaninayey Isbitaal ku yaallo magaalada Londan ee waddanka Ingiriiska oo ugu dambeyn uu maanta ku geeriyooday maanta.

Sidoo kale wararka laga helayo waddanka Sweden ayaa sheegaya in ku dhowaad 6 qof oo Soomaali Swedish ah la soo wariyay in ay u geeriyoodeen caabuqa COVID-19 sida ay baahiyeen warbaahinta wadankaas, dadkaan ayaa ka mid ah 16 qof oo guud ahaan Sweden ugu geeriyooday xanuunka Coronavirus.

Allaha u naxariistee Cabdulqaadir ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey falanqeeye dhanka ciyaaraha, maadama markiisii hore uu ahaa ciyaaryahan ka tirsanaa qaranka Soomaaliya iyo kooxdii Batroolka.

Goobjoog News