U bood dhigaalka

Ciraaq Oo Ay Ka Bilaabatay Doorashooyinkii Ugu Horreeyay Oo Baarlamaani Ah Tan Iyo Markii La Jabiyey Daacish

Sheeko:Dalka

Xarumaha codbixinta Ciraaq ayaa maanta loo furay Codbixiyaasha, si ay uga dhiibtaan codadkooda doorashada Baarlamaaniga ah, taasi oo laqabanayo tan iyo Markii la shaaciyey in la jabiyey ururka Daacish.

Doorashadaan ayaa ah tii afaraad ee golaha Sharci dajinta, tan iyo markii laga tuuray Saadaam Xuseen xukunka sanadkii 2003-dii.

24.5 Milyan oo qof ayaa xaq u leh in ay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinkaan, si ay u doortaan 328 xubnood oo ka mid ah golaha Baaralamaanka.

Ra’iisulwasaaraha hadda Haider al-Abadi ayaa rabo in mar labaad uu helo xukunka, isaga oo ka faa’ideysanayo Natiijooyinka dagaalka ee ka dhanka ah ururka Daacish.

Balse waxaa uu wajahayaa tiro badan oo Musharrixiin ah, kuwaasi oo la tartamayo waxaana ka mid ah ra’iisulwasaarihii hore Nouri al-Maliki .

Doorashooyinka waxaa kula tartamayo Isbaheysiga talada hayo320 oo ka mid ah Xisbiyada siyaasadda, waxaana liiska doorashooyinka iska diiwaan-geliyey  7, 367 oo Musharrax.

Inta badan dadka Ciraaqiyiinta ah ayaa waxay dareemayaan caro weyn oo la xiriirta Musuq-maasuqa, iyo xaaladda dhaqaale ee waddanka oo burbursan.

Doorashooyinkan ayaa imaanaya xilli Marxalad adag ay ka jirto gudaha Ciraaq,iyada oo horay loo shaaciyey in waddanka lagu sameynayo dib u dhis kaasi oo waxyeello ay ka soo gaartay dagaalka.

Sida uu qabo Dastuurka, waxaa lagu soo dhisi doonaa xukuumadda cusub muddo 90 cisho gudahood, ka dib markii la shaaciyo Natiijooyinka doorashooyinka.

Goobjoog News