U bood dhigaalka

Ciraaq Oo Balaayiin Dollar Oo Maal-gashi Ah Ka Heshay Dalalka Daneeya

Sheeko:Dalka

Dowladaha daneeya Ciraaq ayaa sheegay in ay u qoondeeyeen lacag gaareysa balaayiin doolar oo deyn ah, oo qeyb ka ah dibudhiska si uu dalkaasi uga baxo dhibaatadii ay gaarsiisay Daacish 3-dii sano ee ugu dambeysay. Ballan-qaadkan ayaa yimid ka dib markii dalka kuwait lagu qabtay shirka dibudhiska Ciraaq kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen dowladaha isbaheysiga la ah Ciraaq, waxaana la yaboohay ilaa 25 Bilyan oo doolar.

Xoghayaha  guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa sheegay in uu bulshada caalamka ka codsanayo in Ciraaq ay ka taageeraan dhanka siyaasadda iyo ilaha dhaqaalaha. Dowladaha ugu yaboohay Ciraaq lacagaha waxaa ka mida Turkiga oo u qoondeeyay in uu siin doono lacag dhan 5 Bilyan oo deyn ah, halka Sacuudiguna uu u qoondeeyay in uu siiyo 1 Bilyan oo doolar, sidoo kale waxa uu ka fulin-doonaa Ciraaq gudaheeda mashaariic maal-gashi oo ay ku baxeyso 500 oo Milyan.

Kuwait ayaa dhankeeda waxaa ay siin doontaa Ciraaq 2 Bilyan oo deyn ah iyo maal-gashiyo ay ka sameyn doonto dalkaas, halka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex W. Tillerson uu ka sheegay shirka in Kuwait iyo bankiga ganacsiga arrimaha dibadda ay ku heshiiyeen in Ciraaq la siiyo lacago deyn ah oo gaaraya 3 Bilyan oo doolar.

Dhankiisa qudbad uu shirka ka jeediyey Ra’iisulwasaaraha Ciraaq Xeydar Al-Cibaadi  ayaa sheegay in weli dowladda Ciraaq uu ka dhex jiro Musuq balse waxa uu ballan qaaday in uu la dagaalami doono sida uu ula dagaalamayo kooxaha argigixisada ah.

Goobjoog News