U bood dhigaalka

Ismaaciil Cumar Geelle oo la kulmay jaaliyadda Soomaalida ee Mareykanka

Sheeko:War

geleKulan ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaalida iyo tan Jabuuti  Jabuuti ayaa xalay ka dhacay magaalada Minneapolis,halkaasoo ay kula shireen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti iyo wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Shirka uu madaxweynaha Jabuuti,Ismaaciil Cumar Geelle la qaatay jaaliyadda Soomaalida iyo kuwa Jabuuti ee ku nool gobolka Minnesota ayaa ahaa mid is xog wareysi ah,waxaana madaxweynaha uu jaaliyadda ugu warbixiyey xaaladda gobolka gaar ahaana Jabuuti.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga qurba joogta Soomaalida Sadiiq Warfaa ayaa sheegay in jaaliyadda kulanka ay la qaadatay madaxweynaha Jabuuti uu la xiriiray sidii ay waxbadan ugu ogaan lahaayeen xaaladda ka jira dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya, iyo iney Madaxweyne Geelle  ay uga mahadceliyaan dadaalka uu ugu jiro sidii Soomaaliya ay u gaari laheyd nabad iyo horumar.

Gudoomiye Warfaa ayaa dhan kale sheegay inay wadaan qaban qaabada munaasabad lagu soo dhaweynayo madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado inuu caawa jaaliyadda Soomaalida kula kulmo magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Madaxweyne Xassan ayaa horay u sheegay inuu kulan layeelan doono  jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka kalana hadli doono sidii  ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaallada xasilinta iyo horumarinta dalka.

Jaaliyadda soomalida ee mareekanka ayaa intooda badan waxeey ku nool yihiin gobolka Minnesota, halkaas oo caawa lagu wado iney kula kulmaan madaxweynaha magaaladda Minneapolis ee xarunta gobolkaas.