U bood dhigaalka

Ciyaar Saaxiibtinimo-Kooxaha Gobolka Banaadir Iyo Melbourne Ayaa Ku Kala Baxay Barbaro

Sheeko:Cayaaraha

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/269814193890257/Kooxda Gobolka Banaadir ee isu diyaarinaysa ka qeyb galka tartanka kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ciyaar xiiso badan oo saaxiibtinimo la ciyaartay dhigooda Melbourne oo Sanadkii Saddexaad ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho u Imaanaya dalka.

Waxaa kulanka kasoo qeyb galay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Eng.Yariisow,Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiija Maxamed Diiriye,,xildhibaan,Ciyaartooydii hore dalka iyo qurbajoog

Gudoomiyahay gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in labada koox ay soo bandhigeyn ciyaar wanaag loona baahanay in lasii wado kulamada oo kale si dhalinyarada qurbaha ku barbaaray iyo kuwa gudaha ay is bartaan.

Kulanka ayaa qeybta kowaad waxaa lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku hayeen wiilasha Melbourne oo iyaga sanadkii hore 2017 xili habeen garoonka Banaadir kula dheelay xidigaha matalayay Gobolka ciyaaryahanada labada dhinac ayaa sheegay in ay kala faa’ideyn wax badan.

Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in madaxda dowlada ay u mahad celliyaan jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Australia sida wanaagsan ay sanad walba isku abaabulaan loona baahanyahay in ay ku daysadaan jaaliyadaha kale.

Qeybta labaad ciyaarta kooxda Gobolka Banaadir ayaa heshay goolasha lagu lahaa waxayna ciyaarta kusoo dhamaatay barbaro 2-2 Xasan Goodah oo ka yimid dalka Mareekanka ayaa sheegay in sanadka ay soo aadan ay iyagana sidan oo kale ay u imaandoonaan wadanka.

Tababaraha kooxda Melbourne Cali Xuseen oo horay ugu soo ciyaaray kooxda Bada iyo Gobolka Banaadir ayaa kulanka ka dib inoo waramay,isagoo sheegay sanadba sanadka danebeeyo uu dalka dhankasta ka horomarayo iyagana ay door wacan ka ciyaaridoonaan dib u kabashida iyo kaca ciyaaraha.

Si kastaba Kooxda Melbourne waxaa u haray laba kulan waxayna la dheelidoonaan degmada Kaaraan iyo kooxda kubbadda cagta Midnimo oo ka mid u diiwan gashan xiriirka kubbadda cagta.

Halkan Ka Daawo Muuqaal Ku Saabsan Ciyaartii Gobolka Banaadir Iyo Kooxda Melbourne

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/269814193890257/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle