U bood dhigaalka

Ciyaarta Kama Dambeysta Degmooyinka Muqdisho Oo Caawa Ka Dhacaysa Garoonka Banaadir

Sheeko:Dalka

Caawa ayaa lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo garoonka Banaadir ee degmada C/casiis tartanka degmooyinka gobolka Banaadir oo muddooyinkii dambe si xiiso leh uga soconayey magaalada Muqdisho.

Tartankan waxaa final-kiisa wada ciyaari doona labada degmo ee  Waaberi iyo Hodan, kuwaasoo dadaal dheer kaddib soo gaaray kama dambeysta.

Waaberi ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Sami final-ka waxay soo reebtay Degmada Hilliwaa halka Hodan  ay soo garaacday Kaaraan.

Kooxdii caawa badisaa ayaa loo caleema saari doonaa horyaalka degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana sanadkii hore tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ku guuleysatay degmada Boondheere, oo ka qaatay Waabari.

Labada degmo ee ku ballansan kama dambeysta tartanka ayaa ku wada jiray guruubka C, iyagoo la yimid dhibco isku mid ah.

FG: Ciyaarahan waxaad si toos ah ugala socon kartaa website-ka www.goolfm.net oo ka tirsan bahda Goobjoog Media Group