U bood dhigaalka

Ciyaartooy Iyo Macalimiin Ka Socota Eritrea Oo Kusoo Wajahan Caasimada Muqdisho

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka kubbadda cagta dalka Eritrea ayaa xaqiijiyey inay oggolaadeen casuumaad kaga timid xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta tasoo oo ku aadan laaciibiin ka socota Eritrea ay booqasho iyo ciyaaro saaxiibtinimo u yimaadaan caasimada Muqdisho bisha Febraaryo.

13-December 2018-xidigaha xulka qaranka dalkeena ee 20-jirada ayaa ku dhawaad 30-sano ka dib wadanka Jabuuti u aaday kulan ciyaareed saaxiibtinimo waxaana xirfadlayaasha 20-jirada Soomaaliya ay kualnkaas ku adkeen 4-1 laacib,Feysal Axmed Xassan oo ka mid ahaa koox qurbajoog oo caasimada Muqdisho u imaaday is-dhaxgal bulsho iyo ciyaaro saaxiibtinimo ayaa xulka 20-jirada u dhaliyay saddexlay,isagoo noqday xidigihii ugu horeeyay  ee xulka qaranka Soomaaliya u dhaliyay,waxaana arintaas bogaadiyay tababarayaasha iyo ciyaartooyda ku nool qurbaha oo iyagana fursad ka raadinaya u ciyaarida xulka qaranka Soomaaliya .

 29-July 2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya wuxuuna wada hadallo la yeeshay dhiggiisa Mudane Isaias Afwerki kuwaas oo ku qotomay dib u soo nooleynta xiriirka labada dal, xasilloonida gobolka iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo nabadgelyada.

Ciyaartooyda,tababarayaasha iyo wafuuda hogaaminaysaa ay la filayaa in ay Muqdisho soo gaaraan horaanta bisha Febraayo,iyagoo kulamada saaxiibtinimo ciyaaridoona inta u dhaxaysa 14-17-sida laga soo xigtay xiriirka kubbadda cagta wadanka  Eritrea.

13-December 2018-Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa isna booqasho ku soo gaaray magaalada Muqdisho qoraal kasoo baxay madaxtooyda ayaa lagu yiri “Booqashada waxa aya salka ku haysa abuuridda hannaan iskaashi iyo mid diblumaasiyadeed oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Eretria, iyo dardargelinta qorsheyaasha wadajirka ah ee ku aaddan amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Buruburkii Dowladdii Dhexe ee dowlaada Somalia ka dib xulka ee Eretria ayaa noqona kii ugu horeeyay oo caasimada u yimaada ciyaaro saaxiibtinimo waxayna arinta bundhig u tahay in wadanka ay yimaadaan xulal kale oo ka socda dalka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle