U bood dhigaalka

Ciyaartooyda Galmudug Oo Kulan Sagootinta Ah Loogu Sameeyay Muqdisho

Sheeko:Cayaaraha

Dhalinyarada Galmudug ee Gobolka Banaadir ayaa kulan sagootin ah caasimada Muqdishu ugu sameeyay  madaxda,macallimiinta iyo ciyaartooyda kooxda Galmudug ee kaalinta la balaad ka galay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Qaar ka mid ah dhallinyaradii soo agaasintalay kulanka ayaa u mahadceliyay ciyaartooyda iyo macallimiinta Galmudug ee wacdaraha ka dhigay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,iyagoo kula dardaarmay in sanadka soo socda ay ka sugayaan koobka Maamul Goboleedyada.

Xildhibaan Yuusuf Xasan Yuusuf oo ka tirsan golaha wakiilada Galmudug ayaa si qaas ugu mahadceliyay iskaashiga wanaagsan ay sameeyeen Xiriirka Kubadda cagta iyo Wasaarada ciyaaraha Galmudug,sanadaha soo aadan ay sugayaan in ay dhisaan kooxd adag oo kor u qaada magaca iyo sharafta dadka reer Galmudug.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug Xasan Axmed Shire ayaa u mahadceliyay dhalinyaradii soo agaasintay kulankanka sagootinka kooxda Galmudug,isagoo sheegay in dadka reer Galmudug la garabo in ay kor u qaadan horomarinta iyo garab istaaga ciyaartooyda iyo macallimiinta.

Agaasimaha guud ee Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug mudane Cumar Guure ayaa sheegay in Wasaaradda ay diyaarinayso kooxd adag oo sanadaha soo socda ku guulaysta tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Sagootintii Kooxda Galmudug

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle