U bood dhigaalka

Ciyaartooyda Xulka Qaranka Oo Si Wanaagsan Iskugu Diyaariyay Tartanka Chan

Sheeko:Cayaaraha

Xidigaha Xulka qaranka dalka ayaa si wanaagsan iskugu diyaariyay tartanka Chan oo ah koob ay ciyaaraan ciyaartooyda ka dheela horyaalada wadamooda waxaana tababar joogta oo dhinacyo kala duwan ay ku qaateen xeerada farsamada xiririka Soomaaliyeed ee garoonka Jaamacadaha.

Xiriirka kubbadda dalka oo da’daalo kala duwan ku bixinaya horomarinta dhallinyarada matalaysa qaranka ayaa bishii March 2019 tababaraha xulka u magacaabay Bashir Hayford oo kasoo jeeda wadanka Ghana,sidoo kale waxaa qorshaha qaranka qeyb ka ah macallimiin kale oo kasoo jeeda isla Ghana Cabdiwali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ka mid ah macallimiinta goolhayaasha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa Goobjoog u sheegay in tababarayaasha kasoo jeeda Ghana ay bixiyaan casharo badan oo horomar ah.

Hamiga xidigaha xulka ayaa ah in ay sii wadaan horomarinta iyo guulaha wanaagsan ee tartamada qaarada Afrika qaar ka mid ah xiraflayaasha Ocean Stars oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin tartanka Chan waxayna intaa ku dareen in dalka u soo hooydoonaan guulo waaweyn.

Macallinka kooxda kubbadda cagta Horseed Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa xili kasta u daawasho taga tababarka ay samaynayaan xulka,isagoo dhiiri gelin iyo dardaaran u muujinayay ciyaartooyda naadiga Horseed ee qeybta ka ah safka qaranka Stars iyo kuwa kooxaha kale ee dalka.

Kulankii u danbeeyay ciyaartooyda xulka waxa ay natiijo 4-1 ka gaareen xulka Jabuuti bishii December 2018,inkastoo kulankaa uu ahaa mid saaxiibtinimo oo labada wadan u dhaxeeyay

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Diyaar Garoowka Xulka Qaranka Soomaaliya

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/496115764467382/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle