U bood dhigaalka

Ciyaartooydii Hore Kubbadda Cagta Soomaaliya Oo Kulan Xiiso Leh Wada Dheelay

Sheeko:Cayaaraha

Ciyaartooydii hore kubbadda Cagta iyo xulka qaranka Soomaaliya ayaa kulan Saaxiibtinimo ku dheelay caasimada,iyadoo taageerayaasha kasoo qeybgalay kulankan ay maqsuudeen Xirfadooda waxaana qabsoomida kulankan soo agaasimaya laaciibkii hore kooxaha Madbadaca Qaranka iyo Horseed iminkana ah guddoomiyaha naadiga Elman Sports Club Cabdrisaaq Faarax Cumar Garooje.

Nuur Maxamed Amiin oo ka mid ahaa ciyaaryahanadii hore naadiga Madacada Qaranka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahy waqti dheer ka dib ay garoonka kuwada kulmaan laacibiintii cuslaatay ee berisamaadka.

Ismaaciil Senegal oo ka tirsanaa naadiga Elman kana mid ahaa ciyaartooydii ugu caansanaa xulka qaranka Soomaaliya ayaa madaxada isboortiga ugu baaqay in kulamadan oo kale sanadkiiba mar walbo laqabto,si loo xasuusto xirfadyahanadii hor,isagoo intaa ku daray in ay arimahan oo kale ay ka qeyb qaadanayaan horomarka.


Dad badan ayaan soo xaadiray garoonka  ay ka dhacaysay kulankii u dhexeeyay xidigihii hore Axmed Maxamuud Axmed waxa uu ka mid ahaa taageerayaashii kasoo ka qeybgalay waxa uu Goobjoog u sheegay in aad ugu faraxsanahay in uu goobjoog ka noqdo dhacdadan maadaama uu in badan sheeko ahaan u maqlay xidigihii hore kubbadda cagta Somaliya wuxuuna xiriirka ka dalbaday in la badiyo kulamadan oo kale.

Goolal xirfadaysan ayaa la iska dhaliyay kulankan,iyadoo dadkii kasoo qeybgalay ay maqsuudeen kubbaddii quruxeeneed ee loo soo bandhigay Xaaji shirwac Sandhool ayaa Goobjoog u sheegay hadii lasii wadno ciyaaryahan oo kale ay wax badan iska badalayso haanaanka kubbadda cagta Soomaaliya.

Guddoomiyaha kooxda Elman Cabdirasaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii kasoo qeybgalay kulankan wuxuuna intaa ku daray in ka shaqsi ahaan uu qorsheenayo in sanadkiiba Caasimada Muqdisho lagu qabto tiro badan oo kulamadan oo kale,si qibrada ciyaartooydii hore ay ugu faa’ideestaan dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha oo aan nasiib u yeelan in ay daawadaan xirfadooda.

Halkan Ka Daawo Kulankii Xiisaha Lahaa Ee Muqdisho Ku Ciyaareen Laacibiintii Hore

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/463497294501641/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle