U bood dhigaalka

Ciyaaryahan Cabdullahi “Guul Iyo Horomar Ayay Ii Aheyd Booqashadii Aan Ku Tagay Spain”

Sheeko:Cayaaraha

Cabdullahi Sheikh Cilmi oo ka tirsan naadiga Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa maalmihii lasoo dhaafay booqasho iyo aqoon korarsi ku qaatay wadanka Spain,isagoo booqday garoomada kooxaha kubbbadda cagta ee kala ah Esponyal iyo Barcelona waxaana socdaalkiisa ku wehliyay macallinkiisa Maxamed Cabdiqaadir Sheikhdoon waxaana talabaadan soo dhaweeyay gorfeeyaaasha ciyaaraha gudaha,iyagoo u rajeeyay in noqdo laacibkii ugu horeeyay oo Soomaali ah kana ciyaara horyaalka Laliga.

Ciyaaaryahan Cabdullahi Sheikh Cilmi oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in uu haminayo in meel wanaagsan Ka gaaro xirfada  kubbadda cagta safarkii uu ku tagay dalka Spain uu ahaa mid taariikh ah uu wax badan kaga faa’iday,uuna rajaynayo in aan ka dheelo horyaalka Laligaha ee Spian.

Tababaraha kooxda Som United Maxamed Cabdiqaadir Sheikhdoon ayaa wadanka Spain la tagay laacib Cabdullahi  wuxuuna Goobjoog u sheegay in arintan ay albaabada u furidoonto sidee ay fursado u heli layaan dhallinyarada xirafada wanaagsan ee kubbadda cagta dhawaan la arkidoono ciyaaryahan badan oo Soomaali ah kuwaas  ka ciyaara qaarada yurub.

Si kastaba ciyaaryahan Cabdullahi Sheikh Cilmi ayaa ka mid ahaa tiro badan oo dhallinyarao ah kuwaasoo kala kala socday caalamka dalka Spain ugu qeyb galay in ay ka faa’dieestaan kooxaha waaweyn ee ka dhisan magaalada Barceolana waxaana falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa sheegayaan in ay tahay talaabo horay loo qaaday.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Booqashadii Laacib Cabdullahi Sheekh Cilmi

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/193357871746777/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle