U bood dhigaalka

Ciyaaryahan Mahad Xuseen Oo  Dhameystay Waxbarashada Dugsiga Sare

Sheeko:Cayaaraha

Ciyaaryahan kooxda Heegan iyo Xulka Qaraka Soomaaliya Mahad Xuseen Basey ayaa ka mid ahaa ardaydii sanadkan dhameystay wax barashada dugsiga sare,isagoo ka qalin jibay iskuulka Wiil Waal ee Gobolka Banaadir wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsanahay guusha uu ka gaaray waxbarshada kowaad.

Laacib Mahad Basey sanadii 2018 waxa uu ka mid ahaa xirfadlayaasha dalkeena gaarsiiyay taariikhda markii ugu horeesay tartanka 17-Jirada Bariga iyo Bartamaha Africa 2018 ee ka dhacay dalka Burundi waqtigan waxa uu xubin fir fircoon ka yahay safka kooxdiisa Heegan Sports Club iyo xulka qaranka Soomaaliya.

Xirfadyahan Mahad Xuseen waxa ka qalinjibayay iskuulka  hoose dhexe iyo sare ee Wiil walaal,isagoo ka mid ahaa ardayda dhamaystay sanad wax barasheedka 2018-219,laacib Mahad wuxuu Goobjoog usheegay in aad ugu faraxsanahy heerka bilawga uu ka gaaray wax barshada oo wax badan u sahli karta mustqbalka.

Ifraax Xuseen waa da’da ka weyn Mahad maalinkii ugu danbeesy heerka wax barasho ee iskuulka sare ayay u muujisay dhiiri gelin waxayna kula dardaarntay in uu halkiisa kasii wado darajooyinka kale ee wax barshada iyo in door wanaagsan ka qaato guulaha isboortiga ee Soomaaliya,si mustaqbalka uu ugu mid noqodo halyayeeda aan la ilaabin ee horomarka wanaagsan ka sameeyay dhinaca isboortiga.

Isaga uu gudanaya waajibaadka Xulkiisa Qaranka sanadii 2018 ayaa waxaa dhaafay tiro badan oo maadooyinka iskuulka,balse waxaa garab buuxda uu ka helay ardyada ay isku fasalka ahaayeen,iyagoo Goobjoog Sports u xaqiijay in kaalin wanaagsan ka qaateen qoritaanka iyo fahansiinta casharadii dhaafay.

Muqtaar Xasan Cali waxaa ka tirsanyahay maamulka Iskuul Wiilaal ee magalada Muqdisho wuxuu Goobjoog u sheegay in ka iskuul ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin in mid ka mid ah ardaydooda uu heer wacan ka gaaray dhinaca wax barashada iyo ciyaarah,tani ay tusaale u tahay ardayda kale.

Laacib Mahad waxa uu ku haminayaa in kaalin wanaagsan ka qaato horomarka xulka qarankiisa iyo in uu sii wato heerarka kale ee wax baraho si nolashiisa danbe ay u gaarto meel aad u saraysa.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Laacib Mahad Xuseen Basey Oo Dhameystay Wax Barashada

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/1930939627008369/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle