U bood dhigaalka

Ciyaaryahan Xasaasi “Waan Qaadaynaa Horyaalka”

Sheeko:Cayaaraha

Laacibka Kooxda Kubbadda Cagta Horseed Xasan Cabdi Nuur (Xasaasi) ayaa sheegay in kooxdiisa Horseed ay sanadkan ku guulay sanayso horyaalka Somalia Premier League xili ciyaareedka 2020-2021,wuxuuna intaa ku daray in ay u qalmaan hanashada horyaalka.

“Koox kasta waxa ay raadinaysaa hanashada horyaalka Somalia Premier League,anagu hadii aanu nahay Horseed hadafkeenu waa in aan sanadkan ku guulaysanaa loolanka loogu jiro horyaalka kubbadda cagta dalka” ayuu saxaafadda isboortiga gudaha u sheegay laacibka qadka dhexe ee naadiga Horseed Xasan Cabdi Nuur (Xasaasi

Dhinaca kale laacib Xasaasi wuxuu u mahadceliyay taageerayaasha kooxda kubbadda cagta naadiga ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee Horseed,isagoo sheegay in guulaha ay kooxda gaarayso qeyb weyn ay ka yihiin jamahiirta cawa iyo maalin ee Horseed.

Waan u mahadcelinaynaa taageerayaasheena sida wanaagsan ay noo garab taaganyihiin,balse waxaan u balan qaadeen in qorshaheena uu yahay ku guulaysiga horyaalka kubbadda cagta dalka” ayuu hadalkiisa sii raaciyayxidigaha kooxda Horseed Xasan Cabdi Nuur (Xasaasi).

Daawo Ciyaaryahan Xasaasi Oo La Hadlay Warbaahinta

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Xasaasi

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/muxuu-laacib-xasaasi-ka-yiri-goolkii-uu-ka-dhaliyay-garoonka-stadium-muqdisho/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle