U bood dhigaalka

Clinton: Trump Waxa uu Khatar Ku yahay Dimuqraadiyadda Mareykanka

Sheeko:Caalamka

Murashaxa xisbiga dimuqraadiga dalka Mareykanka Hillary Cilnton ayaa aad u dhaliishay siyaasadaha Doland Trump oo ay ku sheegtay mid khatar ku ah dibmuqraadiyadda dalka Mareykanka.

Cilnton oo ka hadlaysay kulan ku saabsanaa ol’oleheeda doorasho oo ka dhacay magaalada Pittsburgh ee koonfur galbeed gobolka Pennsylvania Sabtidii shalay, ayaa waxay aad u dhaliishay Trump mowqifkiisa ku aaddan doorashooyinka qorsheysan 8 November-ta soo aaddan.

Hillary Clinton waxay tiri; “Donald Trump Waxa uu habeenkaa sameeyay wax aanuu sameyn musharax kale oo ka tirsan labada xisbi. Ma aanuu sheegin inuu aqbalayo natiijada doorashooyinka; arrinkaa ha ku kadsoomina, waxa uu dhaliilay dimuqraadiyadda ka jirta Mareykanka, waan kala garaneynaa farqiga u dhexeeya hoggaanka wanaagsan iyo kaligii talisnimada”.

Trump ayaa waxa uu tilmaamay suurtogalnimada inaanuu aqbalin doorashada Clinton waxaanuu ku sheegay iney tahay “Haweenay aan wanaagsaneyn”.

Hillary Clinton ayaa wali si weyn ugu horreysa ra’yi uruurinta ay sameeyeen warbaahinta Mareykanka qaarkood, Roetersapsos ayaa shalay daabacday ra’yi uruurintii ugu dambeysay oo ay ka soo baxday natiijo ah in Cilnton ay si weyn uga horreyso Trump.

Goobjoog News