U bood dhigaalka

Coca-cola African Foundation oo 5 Milyan oo Dollar Ugu Deeqday Biyo Gelinta Hargeysa

Sheeko:War

Shirkadda Coca-cola ayaa Somaliland gaarsiisay deeq lacageed oo looga qeybqaadanayo mashuurca biyo gelinta Hargeysa oo lacago 60 milayn oo dollar ku baxayaan.

Coca-cola ayaa deeqdan lacagta ah soo marisay wakiilka shirkadda ee Somaliland oo ah SBI Coca-cola oo Somaliland ka howlgasha, waxaana fulindoona mashruucan isla SBI oo iyadu gacanta ku hayn doonta.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay munaasabaddii lagu saxiixayay heshiiskan shirkaddan maalinimadii shay, ayaa yiri:

“Marka hore waxaan u mahadnaqeynaa shirkadda Coca-cola SBI oo maanta halkan noo keentay deeq weyn oo illaa 5 milyan oo dollar mashruucaa ay ku kacayaan, biyuhu waa aasaaska nolosha, bani’aadamku ma noolaan karo biyo la’aan, waa udub dhexaadkii nolosha”.

Waxa uu wasiirku sheegay in si aad ah loogu baahan yahay mashruucan magaalada Hargeysina ay ka faa’idi doonto:

“Caasimadda Hargeysa oo ay maanta ku noolyihiin illaa Malyuun iyo Labo boqol oo kun oo qof,  mas’uuliyad weyn baa ka saaray dowladda dadka intaa le’eg ee meel ku uruursan ee dhibaatada ugu weyni tahay biyo la’aan, maaha caafimaad la’aan, maaha wax kale, dadku waddooyinka oo ka xun wey noolaan karaan, laakiin biyo la’aan laguma noolaankaro”.

“Shirkadda Coca-cola meelihiin aan jadwalka biya gelintu gaareyn, ayay iyguna daboolayaan, xaafadda Axmed Dhagax qeybo ka mid ah, Maxamuud Haybe qeybo ka mid ah iyo qeybo ka mid ah Koodbuur, aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqeynaa Coca-cola Africa Foundation, si gaar ah Mustafe Cismaan Geelle, waxaanu ballanqaadaynaa ka xukuumad ahaan inaan fulindoonno mas’uuliyadda inta nagaga banaan”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Magaalada Hargeys ayaa waxaa ka socda mashruuc ballaaran oo biyo gelinta magaalada ah, kaas oo ay ku baxayaan Lacago kor u dhaafaya illaa $60, 000,000 (Lixdan Milyan oo doolar)  oo ay maalgelinayaan dalala dhowr ah oo ka tirsan midawoga Yurub iyo dowladda Mareykanka.

Goobjoog News