U bood dhigaalka

Cod Bixinta Doorashooyinka Ruushka Oo Bilaabatay

Sheeko:Dalka

Bariga Fog ee Ruushka waxaa ka bilowday codeyn, taasi oo dadka ay ka dhiibanayaan codadkooda ku aadan  doorashooyinka madaxtinnimo ee la filayo in uu ku guuleysto madaxweyne Vladamir Putin.

Madaxweyne Putin ayaa doonaya in uu ku guuleysto doorashadan madaxtinimo markii afaraad si uu 6 sano ee soo socota uu Ruushka uu u hoggaamiyo.

Putin ayaa tan iyo sanadkii 1999 dalka waxa uu ka soo hayey jagooyin kuwaas oo madaxweynanimo iyo Ra’iisulwasaare intaba ah.

Madaxweyne Putin ayaa waxaa la tartamaya 7 musharax oo kale, waxaana ka mid ah Pavel Grodinen iyo Ksenia Sukhinova.

Mucaaradka ugu weyn madaxweyne Alexei Navalny, ayaa tartanka doorashooyinka ka maqan, ka dib markii lagu eedeeyay in uu lunsaday hanti dadweyne.

Dadka dhiibanaya codadkooda ayaa waxaa la filayaa in gaaraan 63-67%. ra’yi aruurin dadweyne oo la sameeyay ayaa waxaa ay tilmaameysaa in Putin uu ku guuleysan doono 70%  codeynta cod bixiyaasha.

Goobaha cod bixinta ayaa goordhow albaabada loo furay gudaha Ruushka si ay dadka u dhiibtaan codadkooda.

Goobjoog News