U bood dhigaalka

Col. Gebre Oo Laga Ceyriyay Shaqadii IGAD

Sheeko:Dalka

Col. Gebregziabher Alemseged oo Soomaalida u taqaanno Gabre ayaa la sheegayaa in la diray shaqadii uu ka hayey urur goboleedka IGAD.

Qoraal ka soo baxay xafiiska xogheyaha fulinta ee IGAD Maxbuub Macalin waxaa ku xusan in Col. Gebregziabher Alemseged oo ahaa la taliyaha xagga siyaasadd ee IGAD shaqada laga joojiyay, taasi oo dhaqan-galaysa maanta June 25, 2018.

Col. Gebregziabher Alemseged  oo horay u ahaa la-taliyaha amniga waxaa lagu amray inuu soo wareejiyo dhammaan waqaaraha iyo wax alle wixii shaqo ah.

Goobjoog News