U bood dhigaalka

Col. Roobow”Hey’adaha Amniga Waa Iney La Yimaadaan Qorshe Aan Waddo Xiris Aheyn”

Sheeko:Amniga

Col. Xussein Maxamed  Roobow oo ah khabiir xagga amniga ah ayaa sheegay in dayac badan uu ka jiro ammaanka  caasimadda , oo loo baahan yahay in saraakiisha ammaanka ka shaqeyso in ay la yimaadaan qorshe cusub oo amniga lagu sugayo .

Col Roobow oo la hadlay Goobjoog News ayaa xusay amniga in uusan ku xasilaynin wadooyinka oo la xiro iyo shacabka oo la caburiyo, lagana hor istaago in ay isaga gudbaan waddooyinka magaalda Muqdisho, waxaa uu intaas ku daray in ay saameysay noloshada dadka wadooyikii la xiray.

“ Ma ahan in istiraatiijiyadda amniga laguma saleeyo in wadooyinka la xiro magaalada , dadkeeda la caburiyo, magaaladii wax waliba qaali ayeey noqdeen qudaartii qaali waaye iyo caanihii ka imaanayay labada gobal ee la dariska ah magaalada ee soo galayay magaalada Muqdisho”

Sidoo kale Rooboow oo hadalkiisa siiwato ayaa tilmaamay in ay hooseysto xogaha ay helaan sirdoonka qaranka Soomaaliya ee ku aadan qaraxyada la soo galiyo magaalada, assaga intaas ku daray inaan wax laga qaban Karin qarax soo galay magaalada.

“Ciidamada waa in uu aad u sareeyo tababaradooda meel kastana ay joogaan oo wararka ay soo gudbiyaan lana helo meel ay ku soo dhacaan ka dibna talaabo laga qaado, lakiin, ciidanka amnigu waa in uu la socdaa gaariga meesha laga soo abaabulaayo ama laga soo buuxinaayo, oo meeshaas lagu fashiliyo ayaa loo baahan yahay”

Dhanka kale Col. Rooboow ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in shacabka uusan sadeemin in amniga sugitaankiisa ayaga uu cariiri ku yahay, loona bahan yahay in shacabku isu socdo amnigana la sugo.

“ Ma ahan dadweynhu inay dareenmaan  in sugidda amniga uu caqabad ku yahay oo wadooyin badan laga xiray in ay dareemaan lama rabo, waxaa la rabaa ayadoo ciidanka amnigu shaqeynaayo nabadgalyadana uu sugaayo looma  baahna in cariiga la dareensiiyo shacabka”.

Goobjoog News