U bood dhigaalka

Colaaddii Daafur Oo Dib U Soo Laba Kac Leysay Iyo Dad 80-qof Ka Badan Oo Ku Dhintay

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhexeeya qowmiyado wada degga Suudaan ayaa ka dhacay gobolka galbeed ee Darfur, waxaana ku dhintay 80 qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Suudaan oo soo xiganaysa ururka dhakhaatiirta.

Dagaalka oo ka dhacay caasimaadda gobolka ee daarfur El Geneina ayaa bilowday ka dib markii qof ka tirsan dadka deegaanka lala dhacay Tooreey.

Waxaana gobolka lagu soo rogay bandow, Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdok ayaa wefdi u diray gobolka si ay baaritaan ugu soo sameeyaan dagaallada dhacay.

Dagaalo noocan ah ayaa ka bilowday gobolka Darfur sanadkii 2003-dii, waxaana ka qaxay dagaallada malaayin qof inkasta oo ay socdaan dadaallo nabadeed, weli waxaa halkaas ka taagan xiisad Rabshadaha Sabtidii dhacay ayaa imanaya wax ka yar seddex toddobaad uun ka dib markii ciidamada nabad ilaaliinta ee ka socda Qaramada Midoobay iyo kuwa Midowga Afrika ay amniga ku wareejiyeen maamulka Khartoum ka dib 13 sano oo ay halkaas joogeen, sida ay ku warramayso warbaahibta deeganka .

Isku dhacyada noocan oo kale ah ayaa ka dhacay El Geneina sanadkii hore, kadib markii xoolo dhaqato ka soo jeedda qowmiyada carabta ay dagaal la galeen qabaa’il aan Carab ahayn, waxaana ku dhawacmay boqolaal qof.