U bood dhigaalka

Coronavirus oo Kiisaskii Ugu Horeyey Laga Xaqiijiyey Somaliland

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa goordhow shaacisay in gudaha Somaliland laga xaqiijiyey labo ruux kuwaas oo laga helay  xanuunka COVID-19  oo haray  wasaaradda caafimaadka u karantiishay markii laga shakiyey, wasaaradda ayaana ka qaaday dheenaanno lagu ogaanayey in ay ka badqabaan Caabuqa Coronavirus.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi Bade oo goordhow saxaafadda kula hadalay magaalada Hargeysa ayaa sheegay labo ruux ay dhowaan wasaaraddu dheecaanno ay ka qaaday ay u dirtay dibadda si loo soo xaqiijiyo in jirkooda uu ku jro caabuqa Corona in baaritaankii lagu ogaaday in labaan ruux ay qabaan.

Wasiirka ayaa sheegay in labada ruux horay loo karaantiilay markii laga shakiyey, ay yihiin muwaadin Soomaali kana soo jeeda deegaannada Somaliland kaas oo sedex casho ka hor soo gaaray Hargeysa kana yimid wadanka Ingiriiska  oo ka mid ah wadama Yurub ee sida weyn uu u saameeyey Coronavirus.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qofka labaad uu yahay Ajinabi u dhashay wadanka Shiinaha kaas oo ka shaqeynayey howlo mashaariic oo ka socda  magaalo xeebeedka Barbera, waxaana uu hadalkiisa sii raaciyey in la karaantiilay markii laga shakiyey

Labada qof ee caawa Somaliland ay ku dhawaaqday ayaa waxaa ay imaanayaan iyadoo dalka uu ka jiro cabsida ku aadan xanuunka Coronavirus, waxaana maanta galinkii hore dowladda Soomaaliya wasaaraddeeda caafimaadka ay fasaxday afar ruux oo ay sheegtay in laga waayey caabuqa COVID-19 kuwaas oo wasaaraddu horay u karaantiishay.

Goobjoog News