U bood dhigaalka

Coronavirus :Somaliland oo Diiwan Gelisay Kiisas Cusub

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo hornarinta Somaliland ayaa maanta shaacisay kiisas hor leh oo ku aadan xanuunka Coronavirus, ka dib markii baaritaan lagu sameeyey, iyadoo maalinimadii shalay Somaliland lagu wareejiyey Mashiinka lagu baaro xanuunka Coronavirus.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Cumar Cali Cabdullaahi Bade ayaa sheegay in maanta la helay ilaa sedex kiis oo hor leh kuwaas oo laga helay caabuqa COVID-19, waxuuna intaas uu ku daray in kiisaska laga diiwaan geliyey magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah Somaliland  iyo gobolka Togdheer .

Sedexda kiis ee maanta laga helay ayaa waxaa ay ku biirayaan labo kiis oo horay looga diiwaan geliyey Somaliland wadarta guud  ayaana ka dhigeysa ilaa 5 kiis , sidoo kale waxaana xusid mudan in dowladda federaalka Soomaaliya horay magaalada Muqdisho uga  diiwaan gelisay 27 kiis oo xanuunka Coronavirus ah iyadoo  labo ka mid ah ay dhinteen waxaana macquul ah in ay kiisas cusub soo kordhaan.

Goobjoog News