U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Prof. Yaxye Cali Ku Yiri”“Kaalay Oo Maamul Hirshabeelle”, Kuna Hanjabay In uu Dib U Qiimeynayo Xiriirka Dowladda, Magan-geli Doono UN Iyo IGAD

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamul goboleedka Cali Cabdullahi Cosoble oo wasiirradiisa wehliyaan ayaa mantas shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyn, isagoo oo ka hadlay arrimo badan oo uu sheegay in uu cabasho ka yahay dowladda federaalka ah.

Cali Cabdullahi Cosoble  waxaa hadalkiisa ka mid ahaa “Arrimo aad xasaasi u ah in aan ka hadlo, arrimahaasi waxaa waaye arrimo ku saabsan dowladnimada, arrimo ku saabsan calaaqaadka dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, runtii waxaa ii muuqda culeyso aad u weyn, isla shaqeyn la’aan in ay jirto, is aqoonsi la’aan in ay jirto waxaa daliil u ah dhacdooyin badan oo dhacayey waayadan”

Cosoble waxaa uu soo qaatay in kulan uu la yeeshay madaxweynaha iyo ra’siul wasaaraha ay u ballan-qaadeen in ay la shaqeyn doonaan Hirshabeelle:

“Inta aan dhacdooyinkaas gelin, waxaan rabaa in aan halkan ka xaqiijiyo, madaxaweynaha J.F.S Iyo Ra’isul wasaaraha dalka waxaa ii xaqiijyeen in si buuxda noola shaqeyn doonaan haddii aan nahay dowlad goboleedka Hirshaballe, in aqoonsan yihiin dowlad goboleed Hirshabeelle, in nidaamka ka jira dowlad goboleedka Hirshabeelle dowladnimo ku shaqeyndoonaan, dabcan waa ballantii i ay igu yiraahdeen markii la doortay,

Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa uu shirkaas jaraa’id ku sheegay in ay ku jiraan dowladda federaalka ah dad ay dhibeyso nidaamka federaalka.

“Balse waxaan ognahay in maamul kasta oo caqabado badan ayuu la kulmaa, xamar waxaa ka jira instituitonaddii dowladda federaalka ahaa kuwaas oo marar badan ay dhibeyso in nidaamkii federaalka ahaa ay aqoonsadaan, kulana shaqeeyaan dowlad goboleedyada”

Cosoble waxaa uu ku doodayaa in maamulkiisa aan laga qeybgalin shir looga hadlayey xuduudaha oo ka dhacay Muqdisho.

“Waxaan aragnay mar haddii shirkii xuduudaha looga hadlayey ee xasaasiga ahaa, nagala qariyay, naloo sheegin balse shacabka iyo caalamkaba loo sheegay in aan ka qeybgalnay raallina ka nahay wixii howl ah ee meeshaas ka socda, ujeedka in uu yahay in loosoo socdo kheyraadka ay leedahay Horshabeelle, oo ay u horreeyaan dekadda Ceel Macaan, oo ay u horreyaan garoonka diyaaradaha ee Cisiley, sababta kale oo keeni karta ma jirto shirka xuduudaha in ay ka maqnaato Hirshabeelle”

“Xuduudihii in dhan ah oo sax loo caddeeyo, marar badan ayaa maqalnaa in la leeyahay Ceel-Macaan iyo Cisiley waa in xamar la soo raaciyo in aan dib u qiimeyno calaaqaadka nagala dhaxeeya dowladda federaalka ah, dowladda federaalka ah waa dowladdeenii, waa dowlad aan ka mid nahay, waa dowlad aan garab taagganahay ha ahaatee, in aan dib isu qiimeyn sameyno waxaa sababaya dhaqanka iyo ujeedooyinka aan tuhmeyno in ay ka dambeeyaan”

Shir labaad ayuu sheegay in uu jiro:

“Waxaa kaloo jira oo shirkaasi wehliya shir 2aad oo ku saabsan xasillinta nidaamka dowladnimada iyo maamullada degmooyinka oo isagana ka dhacay Xalane, Hirshabeelle lagu casuumin halka maamul goboleedyada kale oo dhan lagu casuumay, shirka Hirshabeelle kama qeybgelin laakin shakhsiyaad aan dowlad goboleedkeyga wakiil ka aheyn, wasaarada ay ka tirsan yihiinna aney laheyn, cid cirtana aaney laheyn in ay inaga nagu matalaa oo halkaas inta loogu yeero, waraaq loo qoro oo la yiraahdo adiga tagoo fariiso, aniga ayaa isoo report-gareyneysaa la yiraahdo”

Xogheyaha Joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ayuu ku eedeeyay in uu rabo awoodo dheeraad ah isagoo yiri:

“Waxaa leenahay xogheyaha joogtada ah, Yexye In Uu Yimaado Jowhar, Madaxtooyada Ha Fariisto Satate-ka Anigaa Madaxweyne Ka Ah Ha Yiraahdo haddii aysan aheyn dowladda federaalka ah maka yeeleyno in xuquuqda Hirshabeelle ay leedahay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo wasaarado kale oo aan ognahay in ay iyaga magaalada Muqdisho waxaa ay doonaan iyo sidii ay doonaan sameeyaan, waxaa in Hirshabeelle loola dhaqmaa sida loola dhaqmo Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed si waxaasi ka duwan waxaan u arkeynaa mid nagu qasbeysa in aan jawaabo cad ka bixinno, go’aanno cad cadna ka qaadanno”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa uu qabaa in arrinta uu meel xun gaarsiin karo

“Waxaa ay duruufta qasbi doontaa marka dambana in aan go’aanno qaadano, in aan dhahno caalamka ayaa toos ula xiriireynaa, in aan cabashooyinkeena UN, IGAD meelahaa la aadno, Yaan nala gaarsiinin”

Goobjoog News