U bood dhigaalka

Cosoble Oo Eedeeyay Madaxda Dowladda, Sheegayna In Jowhar Laga Qabsaday Kuna Shaqeynayo B/weyne

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ee baarlamaanka maamulkaasi xilka ay ka qaadeen ayaa eedeeyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu shalay gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cosoble ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan xil ka qaadistii lagu sameeyey iyo sidoo kale cidda uu ku tuhmayo iney ka dambeysay.

Waxa uu sheegay in Muqdisho uu kusoo arkay qorshe lagu burburinayo maamul goboleedyada dalka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan halkaan u imid waxa weeye in umaddu si fiican uga dheragto wax badan oo meelaha ka socda, waxaan ka imid magaalada Xamar, Xamar dulmi ayaa lagu hayey, Xamar kuma soo arag Soomaaliya horumarkeeda iyo cadaalad, dulmi cad oo bareer ah in lagu sameeyo dowlad goboleedayada,  kuwa loo arko in weli aysan lugahooda ku istaagin, xaqiiqda waxay tahay, waxa socda haddii aan laga hortagin maamul goboleedyo badan waxaa u deggan qorshahaasi iyo kuwo kale oo kasii fool xun, waxaan rabaa umadda iyo shacabka ku dhaqan Hirshabelle guud ahaan inaan ugu bishaareeyo inaan aniga ahay madaxweynaha sharciga ah, qaabka la igu doortay dhammaantiin goob joogayaal ayaad ka eheedeen ama warbaahinta ayaad kala socoteen, madaxweyne nidaam ayaa lagu doortaa, nidaamka lagu doorto mid lamid ah ayuu ku baxaa”

Cosoble oo hadalka sii wata ayaa sheegay in uu ku shaqeyn doono magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, yahanya madaxweynaha saxda ah, wuxuuna sidoo kale sheegay in dowladda federaalka ay ka qabsatay magaalada Jowhar.

“Maalmahan halkaan ayaan jooga, laakiin shaqadii dowlad goboleedka sideeda ayeey u shaqeyn doontaa, aniga waxaan ku shaqeyn doonaa magaalada B/weyne, haddii ay Shabaab meel qabsadaan dabcan inta laga tago ayaa meeshii kaloo lagu shaqeyn karo lagu shaqeyn lahaa, dowladdii dhexe haddii ay iyadu fowdo isku bedashay oo ay Jowhar qabsatay, tiri wixii aan rabno annaga ayaa ka sameynayno dabcan inaan meel kale tagno oo aan ku shaqeynno ayaa waajib ah, mana uga tanasuleyno cid dulmi  rabta, waxaan rabaa inaan ugu baaqo dadweynaha deganaan iyo xasilooni, waxaan rabaa in ciidamada AMISOM waajibaadkii ay lahaayeen sidoodii u gutaan, waxaan rabaa inaan bulshada caalamka wixii xaqiiq ah ee ay u baahan tahay waan u haynaa waana usoo gudbineynaa, waxaana diyaar u nahay nidaamka dimuqraadiga ee nalagu doortay in xilka nalooga qaado”

Ugu dambeyn, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre inuu qarash ku bixiyey sidii isaga xilka looga qaadi lahaa, dhanka kalena madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay inuusan ilaalin Dastuurka.

“Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka shaqeeyay wixii dhacay, isaga ayaa ka dambeeyay, golihiisa wasiirada ayuu adeegsaday, dhaqaale ayuu ku bixiyey wixii cadeymo ah ee loo baahdanaha waan soo banhdigeynaa, mana yeeli doonno, mana dhici doonto inta waxaa la dhoodhoobo in Jowhar maamul laga dhiso, anigana waxaa waajib igu ah Dastuurka inaan ilaaliyo, waxaan aad uga xumahay in waqti badan iga lumiyey madaxweyne Farmaajo oo aan aaminsanaa in sharciga iyo Dastuurka uu isagana ilaalin doono, balse sida ii muuqata aanu wax dan ah ka lahayn, xaqiiqda waxaa ah markii ay yimaadeen in si aad u weyn shaki ah loo qabay ineyba dowlad goboleedyada iyo nimaadka Federaalka raali ka ahayn, iyadiina maanta waa ay muuqataa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Cosoble.

Inkastoo  Cosoble uu arrimahan dhan sheegay, hadane waxaa Jowhar shalay looga dhowaaqay guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Goobjoog News