U bood dhigaalka

C/raxmaan Faroole: Madaxweyne Xasan Sheekh Xilka Haku Wareejiyo Jawaari

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, haatanna ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaaliya ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Waxa uu sheegay Faroole in Madaxweyne Xasan ka dhammaaday waqtigiisa, sidaa darteedna la doonayo in uu xilka iska wareejiyo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waa in uu xafiiska baneeyaa, xilka ku wareejiyaa guddoomiyaha baarlamaanka sida Dastuurka KMG ah qabo qodobka 91. Qodobka 95 oo sheegaya in xilka markii uu dhammaado madaxweynaha ku wareejiyo hoggaanka baarlamaanka”

Faroole, mar uu ka hadlayey doorashada dadban ee la qabanayo ayuu sheegay in ay u muuqato oo kaliya muddo kororsi dadban.

“Doorashadii dadbaneyd ee ay ku dhowaaqeen 9-kii August wax tallaabo ah oo horay loo qaaday ma jirto, annagu ma arkin doorasho dad badan ee waxa aynu arkaynaa kororsiimo dadban”

Dhinaca kale C/raxmaan Faroole ayaa soo hadal qaada waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho iyo shirka la filayo in madaxda IGAD ku yeeshaan magaalada.

Wuxuu sheegay in  wax laga xumaado ay tahay in iyadoo ay ciid soo dhowdahay hadane shacabka loo diido iney maraan waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

“Maaalmihii ciidda baa lagu jiraa, waalidkii carruutooda wax usoo iibin lahaa, dadkii jiranaa Isbitaalka la geyn lahaa, waxaa la leeyahay magaalada waa la xiray maxaa shir loogu qabanayaa, maxaa dadka Soomaaaliyeed loogu ciqaabayaa magaalada Xamar, maa meel kale lagu qabto, dowlad goboleedyada mid halagu qabto, Cadaado hala geeyo, Kismaayo, Baydhabo ama Garoowe hala geeyo waayo waa meello yar oo amnigooda la sugi karo wadana aan la xireyn ama Xalane hala geeyo oo dadka diyaarado bay kusoo degayaane yaan shacabka Muqdisho la ciqaabin”

Musharraxiin dhowr ah ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu xilkaa baneeyo maadaama maalintii shalay ahayd ay ugu ekeyd madaxweynaha 4-tii sano ee xilkaasi loo doortay.

Goobjoog News