U bood dhigaalka

Crisis Group oo Warbixin Kasoo Saartay Lakala Safashada Kenya, Ethiopia ee Jubbaland iyo Muqdisho

Sheeko:Amniga

Crisis Group ayaa warbixintoodii ugu dambeysay ee soo saareen waxa ay uga digeen in kala safashada Kenya iyo Itoobiya ee arimaha Jubbaland iyo Dowladda federaalka ah ay abuuri karto khatar iyo xasilooni darro.

Crisis Group ayaa waxaa ay qabtaa in ciidamada soo galaya gudaha Soomaaliya ee ka socda labadaasi dal ee la kala safan ay uga sii dari karaan xaaladda horay u liidatay.

“Inkasta oo an Kenya iyo Itoobiya aaney toos isugu dhicin, hadana xiriirkooda sii xumaanaya waxaa uu walwal u keeni karaa halka ay aadi karaan si ay u taageeraan xulafadooda”.

Kooxdan warbixinta soo saartay waxaa ay soojeediyeen in qeybaha ay aheyd iney xoogga saaraan ladagaalanka Als-shabaab.

Ugu dambeyntii, Crisis Group waxaa ay Farmaajo kula taliyeen inuu faraha ka qaado Madoobe si uu afartiisa sano u dhameysto.

Goobjoog News