U bood dhigaalka

C/samad Macallin: Shacabka Waxay Dowladda Ka Filyaan Qaadista Tallaabooyin Degdeg Ah (DHAGEYSO)

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macallin Maxamuud ayaa ka hadlay weerarkii maalin kahor ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare aad u badan.

Waxa uu sheegay in Al-shabaab ay ka go’an tahay iney nidaam walbo oo dowli ah la dagaalaan, kana horyimaadaan wax walbo oo horumar ah.

Waxa uu sheegay wasiirka sidoo kale in laga yaabo shacabka Soomaaliyeed iney ka niyad jabaan dowladda hadda jirta maadaama qaraxa uu ahaa midkii ugu xooganaa ee wayaadan dambe dhaca.

Dhanka kale, C/samad ayaa meesha ka saaray in amniga uu dabcay  markiii ay is casileen wasiirkii difaaca iyo taliyahii ciidanka xoogga dalka, wuxuuna sheegay in ay iyagu ku baxeen arrimo siyaasadeed, waxa jira hadana tahay mid amni.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in dedaal badan ay sameeyeen oo dhanka ammaanka, wuxuuna kula taliyey iney dedaalkooda xoojiyaan oo aanay ka niyad jabin qaraxii Zoobe.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News