U bood dhigaalka

Cudur Aan La Garan Waxa Uu Yahay Oo Ka Dilaacay Degmada Mahadaay Ee Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dilaacay cudur aan la aqoon waxa uu yahay, kaasi oo ay la il daran yihiin dad shacab ah.

Gudoomiye ku xigeenka Dhanka arimaha bulshada ee degmadaasi Xaaji Saalax Fuleyn oo goor dhaw u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in markii xalay dadku ay seexdeen ka dib lasoo tooseen xanuunkaan.

Calaamadaha uu wato cudurkaan ayuu ku sheegay in qofka uu shubmayo, ka dibna uu aad u jareynayo (Gariirayo), waxaana hadda uu tilmaamay in ay xanuunsanayaan  dad gaaraya 40 qof.

“Waa cudur nagu cusub, mana ahan shubankii la yaqaanay, qofka aad ayuu u shubmayaa, ka dibna waa uu jareynaa, xalay ayaan waxaan aragnay,saacad walba dadka xanuunkaan qabanayo wey sii kordhayaan, hadda 40 qof ayaa hadda xanuunsan” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Ugu dambeyn gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee maamulka degmada Mahadaay Xaaji Saalax Fuleyn ayaa ugu baaqay hay’adaha caafimaadka, maamulka gobalka Shabellaha dhexe iyo dowladda Federaalka in ay degdeg dhaqaatiir caafimaad ugu soo diraan degmadaasi, si loo ogaado cudurkaan waxa uu yahay.

Goobjoog News