U bood dhigaalka

Cudurka Jabtada Oo Lagu Wareeray, Maxaa Keena?

Sheeko:Caafimaadka

Daraasad cusub ayaa sheegeysa in dadka qaba cudurka jabtada ee dalka Australia ay kor u kacday 63% shantii sano ee la soo dhaafay.

Cilmi baarayaasha daraasaddaan diyaariyey oo u dhashay Australia ayaa sheegay in inta badan dadka qaba cudurka Jabtada ay yihiin dhainyarada ku nool magaalada.

Illaa iyo hadda lama oga waxyaabaha sababay inay kordhaan dadka qaba cudurkaani ee ku nool Australia sida ay sheegeen cilmi baarayaashaan.

Cudurka jabtada ayaa ku dhaca xubnaha taranka ban’aadanka waxaana lagu daaweyn karaa dawooyinka loo yaqaano Antibiotics. 

Dadka qaba cudurkaani waxay u badanyihiin ragga

Dada qaba cudurka jabtada ee ku nool gudaha Australia ayaa sare ukac laga dareemay halka 100 kun oo qof laga helo 62 ka mida cudurkaani,halka mararka qaar ay korortay xaaladda dadka qaba oo 100 kun oo qof laga helo 101 qaba cudurka jabtada gudaha dalkaasi.

Tirada ragga ah ee qaba cudurka jabtada kuna nool Australia ayaa waxay gaareysaa 72% halka haweenka dalkaasi qaba jabtada ay iyaguna gaarayaan 43% .

Korarka ku yimid cudurkaani ayaa waxaa la tilmaamaya inuu ku kala gudbay galmada .

Waa Maxay Jabto?

Cudurka jabtada ayaa ah cudur lagu kala qaado bakteeriyada faafto waxaa uu inta badan ku dhacaa xunaha taranka .

Cudurkaan ayaa sidoo kale waxaa uu ku faafaa galmada ay dadka ku sameeyaan xubnaha Afka iyo Dabada iyo xumnaha taranka bani’aadanka iyaga oo aan wadan wax ka hortag ah.

Calaamadaha lagu garto cudurkaan ayaa waxaa ka mida inay ka soo baxaan xubinta taranka dhacaamo cagaaran iyo kuwo jaalle ah, waxaa uuna dareemayaa qofka markii uu kaadinayo xanuun iyo mararka qaar ay xubinta taranka ka yimaado dhiig.

Cudurkaan ayaa hadaan la daaweyn waxaa ka imaan karo in qofka uu noqdo madhaleys iyo in cuduro kale ay ku dhacaan qeybaha hoose ee jirka.

Goobjoog News