U bood dhigaalka

Cudurka Jadeecada oo ka dilaacay deegaano hoostaga degmada Afgooye (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Cudurka Jadeecada oo ka mid ah Lixda cudur ee dilaaga ah, ayaa lagu soo waramayaa in xilligaan uu ka dilaacay deegaano hoostaga degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose, kaa oo caruur badan ay la’il daran yihiin.

Wariyaha Goobjoog Fm ee degmada Afgooye Maxamed Cabdi Xasan ayaa soo sheegaya in isbitaalka degmada Afgooye, maalin walba lasoo gaarsiiyo in ka badan 10 caruur ah oo xanuunka Jadeecada uu soo ritay.

Deegaanada cudurkaan uu ka dilaacay ayaan lahayn wax xarun caafimaad ah, waana mida keentay in caruurtaan loola soo cararo isbitaalka degmada Afgooye.

Saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka Degmada Afgooye ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo xoogan oo ay ku doonayaan inay ku daweeyaan caruurtaan, sidoo kalena waxay sheegeen in loo baahan yahay wacyi gelin loo sameeyo dadka ku dhaqan deegaanada aanu lahayn xarumaha caafimaad.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News