U bood dhigaalka

 Cudurka Jadeecada Oo Laga Tallaalayo 4 Milyan Oo Caruur Ah

Sheeko:Dalka

Labo ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa Isniintii waxaa ay daaha ka qaadeen olole lagu tallaalayo caruur ilaa 4 Milyan ah oo da’doodu u dhaxeyso 6-10 jir, caruurtan waxaa laga tallaalayaa cudurka Jadeecada.

Ololahan oo ah mid qaran, waxaa wadda hay’adda  caafimaadka ee  (WHO), hay’adda caruurta  (UNICEF),  iyo Wasaaradda Caafimaadla, ujeedkuna waa in caruurta laga tallaalo cudurka dilaaga ah ee jadeecada.

Ololahan waxaa ka faa’ideysanaya  2.7 milyan oo ah caruurta ku nool bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo 1.1 milyan oo ah caruur ku nool Somaliland.

Bishii Jannaayo ee sanadkan waxaa la tallaalay ilaa 933,000 oo caruur ah, caruurta ugu badan ee uu cudurkani soo rito waa kuwa ku nool Bay, Banadir iyo Mudug.

Goobjoog News