U bood dhigaalka

Cudurka Shuban Biyoodka Oo Carruur Kusoo Ritey Deegaanka Budbud Ee Gobolka Mudug

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya deegaanka Budbud ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dillaacay cudurka shuban biyoodka, kaasi oo saameeyay dadka deegaanka.

Maxamuud Cali oo kamid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Goobjoog News, in cudurkaan ay hadda la il daran yihiin 10 carruur ah, kuwaasi oo dawo wanaagsan aan haysan.

Waxa uu sheegay Maxamuud in deegaankaasi ay ka jirto dawo la’aan, sidoo kalena aanu lahayn xarumo caafimaad oo dadka lagu daweeyo.

“Cudurka shuban biyoodka ayaa ka dilaacay deegaanka, dadka uu soo ritay carruurta ayaa ugu daran oo hadda gaaraya illaa iyo 10, dawo la’aan ayaa jirta, xarumo caafimaadna maleh, waxaan ku baaqayaa in gurmad caafimaad loo soo fidyo deegaanka” ayuu yiri Maxamuud Cali.

Deegaanka Budbud wuxuu qiyaas ahaan dhanka bari 160 KM kaga beegan yahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Goobjoog News