U bood dhigaalka

Cudurka Shuban Biyoodka Oo Dib uga Dilaacay B/weyne Iyo 5 Ruux Oo u Dhimatey

Sheeko:Caafimaadka

Cudurka shuban biyoodka ah ayaa lasoo sheegayaa in xilligaan uu dib uga dilaacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay cudurkaasi u dhinteen 5 qof oo carruur u badan.

Guddoomiyaha magaalada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi Macallin Qalaafow oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in cudurka uu hadda dib usoo xoogeystay, islamarkaana hadda ay la il daran yihiin dad isugu jira Carruur iyo waayeel intaba, tiradooduna ay gaareyso 37 qof.

“Cudurkaan markii hore dedaal badan iyo dagaal badan baan la galnay, wuu sii yaraanayey, hase ahaatee waxaa hadda soo xoogeysanaya shuban biyoodkii oo aan cidna dhaafin dad waaweyn iyo dad yaryar intaba, waxay ugu darneyd 24-kii saac ee aynu soo dhaafnay oo cudurka aad usoo xoogeystay, waxaad moodaa in hadda meeshii ugu darneyd marayo” ayuu yiri guddoomiyaha magaalada Baladweyne.

Dhanka kale guddoomiye Qalaafow ayaa ugu baaqay hay’adaha samofalka ah ee dhanka caafimaad in kaalmooyin degdeg ah lasoo gaaraan dadka la xanuunsanaya cudurka shuban biyoodka.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Baladweyne ayaa uga digey dadka leh ceelasha biyaha ee magaaladaasi iney joojiyaan biyaha ay Wabiga kasoo qaadaan, isaga oo tilmaamay in tallaab adag laga qaadi doono cid walba oo arrintaasi lagu arko.

Cudurka shuban biyoodka ayaa sidan oo kale waxa uu uga jiraa magaalooyin kale oo dalka ah, sida magaalada Baydhabo oo dad dhowr ay haatan la jiifaan isbitaalka guud ee magaaladaasi.

Goobjoog News