U bood dhigaalka

Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dillaacay Deegaanka Xinlibi Ee Mudug

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya deegaanka Xinlibi ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in cudurka shuban biyoodka uu ka dillaacay deegaankaasi, kadib markii dadku ay isticmaaleen biyo aan nadiif ahayn.

Xasan Cali Axmed oo ah gudoomiyaha deegaankaasi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in cudurkaan ay la jiifaan dad badan oo deegaanka ah, islamarkaana sidoo kale laga baqayo dad kale inuu soo rito.

Waxa uu tilmaamay in dadkani ay biyo ka waayeen ceelashii ay ka cabi jireen, taa bedalkeedana ay isticmaaleen biyo aan nadiif ahayn taasi oo cudurkaasi keentay.

“Biyihii waraha ayeey dadkii isticmaaleen kadib markii ay ceelsha ka cilladoobeen, waxay taasi keentay in shuban uu halkaasi ka dillaaco” ayuu yiri gudoomiyaha.

Sidoo kale gudoomiye Xasan Cali ayaa sheegay in deegaanka Xinlibi aanu lahayn Isbitaal lagu daweeyo dadka xanuunsanaya, islamarkaana dadka xaaladoodu halis noqoto ay geeyaan magaalooyinka ku dhow deegaankaasi.

Goobjoog News