U bood dhigaalka

Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dillaacay Degmada Afgooye Iyo Deegaanadana Hoostaga

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in cudurka Shuban Biyoodka uu ka dillaacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose iyo deegaanno hoostaga degmadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha Bulshada maamulka degmada Afgooye Cabdullaahi Xasan Cabdi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhammaan tuulooyinka degmada Afgooye hoostaga uu ka dillaacay cudurkaasi islamarkaana ay dad badan la il daran yihiin.

Waxa uu sidoo kale sheegay gudoomiye ku xigeenka in cudurka Shuban Biyoodka uu ka jiro isla degmada Afgooye kaasi oo dad badan ay la jiifaan.

โ€œDegmada Afgooye iyo dhammaan deegaannada hoosyimaada degmada waxaa ka dilaacay cudurka Shuban Biyoodka, dad badan ayuu soo ritay, aniga aan kula hadlayo xitaa waxa uu cudurka iga haleelay Labo canug oo aan dhalay, malahan isbitaallo wax ka qabtay xaaladdaan soo korortay, degmada iyo deegaannada ku dhaw waxaa ka jira dawo laโ€™aanโ€ ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada degmada Afgooye.

Ugu dambeyn Cabdullaahi Xasan Cabdi ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale hayโ€™adaha samafalka ah in gurmad caafimaad oo degdeg ah ay la gaaraan degmada Afgooye iyo deegaannada hoostaga degmadaasi.

Goobjoog News