U bood dhigaalka

Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dillaacay Degmada Hobyo Ee Mudug Iyo Shacabka Oo Gurmad Caafimaad dalbaday

Sheeko:Caafimaadka

Wararka aynu ka helayno tuulooyin hoos yimaada degmada Hobyo ee dhul xeebeedka gobalka Mudug ayaa xilligaani waxaa laga soo sheegayaa xaaladdo caafimaad darro oo saameyn ku yeeshay dadka ku sugan deegaankaasi.

Maxamuud Cali Faarax oo ka mid ah dadka kasoo jeeda deegaankaasi oo Goobjoog News la hadlay ayaa ka warammay xaaladda caafimaad darro ee xilligaan halkaasi ka taagan, isaga oo sidoo kale baaq u jeediyay wasaaradda caafimaadka Galmudug, uguna baaqay in si degdeg ah ay halkaasi uga hirgeliyaan goobo caafimaad oo lagu dabiibo dadka kasoo jeeda deegaankaasi.

โ€œWaxaan ku suganahay Hobyo, waxaan Idaacadda Goobjoog ula soo xiriirnay baahiyo badan oo jira awgeed oo ay ka mid tahay xagga caafimaadka, waxbarashada, waxa noogu daran waa caafimaadka, caruur gaaraya 10 qof ayaa usoo dhacay cudurka shuban biyoodka, waxaa lagula tacaalayaa caruurtaasi isbitaallo waaweyn oo Gaalkacyo iyo meello kale ah, waxaan ugu baaqayaa maamulka Galmudug inay ka hirgeliyaan goobo caafimaad oo dadka lagu dabiibo degmada Hobyo, caruurta qaarkood baadiyaha ayaa laga keenay waxaa loola sii cararay Gaalkacyo iyo deegaanno kale, sidaa darteed waxaan u baahannahay xarumo caafimaadโ€ ayuu yiri Maxamuud Cali.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dadka Hobyo kasoo yeerto cabasho dhanka caafimaadka ah.

Maamulka Galmudug ayaa looga fadhiyaa ka jawaabista baahiyaha kasoo yeeray shacabka ku dhaqan degmada Hobyo oo dalbanaya in loo sameeyo Isbitaallo.

Goobjoog News