U bood dhigaalka

Culimada Degmada Caabudwaaq Oo Cambaareeyay Dil Loogeystay Wadaad Caan Ka Ahaa Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Culimada degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa si kulul u cambaareeyay dil loo geystay habeen kahor Macalin Farxaan Maxamed Salaad Aadan oo mu’addin ka ahaa masjidka Jaamica ah Imaamu Shaafici ee degmadaasi.

Sheekh Cabdirisaaq Warsame oo ka mid ah culimada degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dilka wadaadkaasi loo geystay, waxaana uu tilmaamay in aysan hadda garaneyn cidda dilkaasi ka dambeysay.

Waxa uu tilmaamay in ay jiraan dad looga shakisan yahay dilka inay ka damabeeyaan, ayna jireen hanjabaadyo badan.

“Annaga shaqsigaas ayaa dilka ka dambeeya ma dhihi karno, laakiinse tan iyo markii masjidka ku billawnay Khudbada waxaa badanayay doodda iyo hanjabaadda, maamulkii degmada ka talinayay ayaa inta loo yimid la dhahay, hadii aan khudbada laga joojin masjidka dhiig badan baa daadan doona” ayuu yiri Sheekh C/risaaq Warsame.

Illaa iyo haatan ma jirto cid loo soo qabtay dilka Macallin Faarax Maxamed, oo rag hubeysan ku dileen banaanka kore ee Masjidka uu Mu’addinka ka ahaa.

Goobjoog News