U bood dhigaalka

Culimada Gobolka Mudug Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Xiisadda Ka Jirta Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Culimada Gobolka Mudug ayaa ka hadlay xiisad maalmihii  ugu dambeeyay ka jirtay magaalada Gaaalkacyo ee gobolka Mudug iyaga oo farriin u diray maamullada Puntland iyo Galmudug.

Sheekh Maxamed Macallin Cali  oo ka mid ah culimada gobolka Mudug oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in hadda Gaalkacyo aanay qaadi karin dagaal sokeeye, islamarkaana wuxuu shacabka magaaladaasi ugu baaqay inay kaalin ka qaataan nabadda magaaladaasi.

“Fidno huruda dadka kiciya waxa ka imaan kara waa la ogyahay, dadkani ma kala guurayaan, waa walaalo, Soomaaali ah,  Islaam ah, marka subax walbo wax aan dhammaan in la isku horfariisto wax socon kara ma ahan, qof walba waxaa laga doonayaa inay tixgeliso deriskeeda, dadka ka daaya walwalka iyo waxyaabaha dhibaatada u keeni kara” ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Sidoo kale Sheekha ayaa sheegay in maamullada Puntland iyo Galmudug laga doonayo inay ka shaqeeyaan nabadda Gaalkacyo, islamarkaana damiyaan xiisadda magaaladaasi.

Maalmihii ugu dambeeyay waxay xiisad ka jirtay magaalada Gaalkacyo, taasi oo u dhaxeysay maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed islamarkaana kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug.

Goobjoog News