U bood dhigaalka

Culimada Soomaaliyeed Oo Cambaareeyay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Barakeysan Ee Madiina Al-Munawara

Sheeko:Dalka

Culumada Soomaaliyeed  oo  kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay meel ku dhow masjidka Nabigeenna Muxamad NNKH, magaalada Barakeysan Madiina Al-Munawara ee Dalka Sacuudiga.

Bayaan ee kasoo saareen kulankooda ayaa waxay ku sheegeen in qofka weerarkaasi fuliyay aanu wax shaqo ah ku lahayn islaannimo.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo saxaafadda u akhriyey bayaanka culimada ayaa ku baaqay in maalinta berri ah kuna beegan 11-ka July ay shacabka Muqdisho isugu soo baxaan dibadbax lagu muujinayo sida ay uga xunyihiin weerarkaasi.

Dibadbaxan ayaa ka dhici doona barxadda weyn ee Masjidka Isbahaysiga, iyadoo culimada ay ugu baaqeen shacabka in dibadbaxaasi ay kasoo qeybgalaan.

Taladaadii hore ayaa qof isku soo xiray walxaha qarxa waxa uu isku qarxiyey meel ku dhow masjidka Nabigeenna Muxummad NNKH.

Goobjoog News