U bood dhigaalka

Culimada Soomaaliyeed Oo Shacabka Ugu Baaqay Wax u Qabashada Muwaadiniinta Kasoo Laabtay Yemen

Sheeko:Dalka

Waxaa soo kordhaya baaqa ay jeedinayaan culimada Soomaaliyeed, kaasi oo ku aadan in degdeg ay wax ugu qabtaan walaalahooda Soomaaliyeed ee kasoo cararaya dagaallada ka socda dalka Yemen.

Sheekh Sayid Abba Cali Sheekh Cali Maye oo ka mid ah Culimadaan ayaa isaga oo la hadlayay Goobjoog News waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay u taallo howl adag oo u baahan in dhabarka loo xirto.

Waxa uu sheekha Sheegay in shacabka laga doonayo in ay u gurmadaan walaalahooda dhibban, islamarkaana ay dalka kusoo dhaweeyaan, sidoo kalena looga baahan yahay in kuwa ku dhibban Yemen ay halkaasi kasoo qaadaan.

“Shacabka waa in ay sii xoojiyaan isku gurmashadooda, waa in ay u istaagaan sidii ay walaalahooda Soomaaliyeed wax ugu qaban lahaayeen, kuwa dalka Yimid gacan hala siiyo, kuwa kale ee iyana aan weli dalka imaan halaga soo badbaadiyo dhibaatada ay ku jirto” ayuu yiri Sheekha.

Dhinaca kale waxa uu sheekha sheegay in maanta cid walba oo waxbaxsata ay ku baxsan doonto maalin aan maanta ahayn, walibana sadaqada ay wax badan tarayso.

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa ku dhibban dalka Yemen, waxaana halkaasi ka soconaya dagaallo xoogan oo xitaa ay ku dhamaadeen shacab Soomaaliyeed, ka dib markii la duqeeyay gaadiid ay la socdeen.

Goobjoog News