U bood dhigaalka

Cumar Cabdirashiid oo Lagu Wado In Ra'isulwasaare Loo Magacaabo Maalinta Arbacada

Sheeko:Dalka

Cumar CabdirishiidWarar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helney illo xog-ogaal ah ayaa noo xaqiijiyey in maalinta arbaca Ra’isulwasaare loo magacaabayo Cumar Cabdirishiid Cali Sharma’ark.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu magacaabista sameeyo maalinta arbacada.

Cumar oo uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa horey usoo noqdey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, haatana waa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, xilkaasi oo uu qabtay sanadkani gudihiisa.

Musharixiin kale oo iyaguna loo filayay in xilka loo magacaabo ayaa lagu soo waramayaa in ay tartanka ka hareen kadib markii uu madaxweynaha u deyriyey.

 

Waxaan dhawaan idiin soo gudbin doonaa Sooyaalka Taariikh Nololeedka Cumar Cabdirashiid haddii alle idmo.

Goobjoog News