U bood dhigaalka

Ra'isulwasaare Cumar Cabdirishiid oo Baarlamaanka La Horgeynayo Arbacada (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudiga Joogtada ahGudiga joogtada ah ee baarlamaanka ayaa kulan ay maanta yeesheen waxa ay ku go’aamiyeen in Ra’isulwasaaraha cusub Cumar Cabdirishiid baarlamaanka la horkeeno maalinta arbacada si codka kalsoonida uu u weeydiisyo xildhibaanada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cumar Cabdirishiid u magacaabay Ra’isulwasaare arbacadii hore.

Dhanka kale gudiga joogtada ah ee baarlamaanka ayaa go’aansaday in la dardar galiyo hawlaha horyaala baarlamaanka, sida ansixinta hindise sharciyeedyada hadda horyaala baarlamaanka.

Xoghayaha Baarlamaanka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegey in 23 hindise sharciyadeed ay isla garteen in ay yihiin kuwa muhiimad gaar ah leh, islamarkaasina hortabin leh.

Waxaa ka mid ah sharciyada asaaska u ah yoolka 2016-ka sida dhameystirka dastuurka oo uu sheegey in ay dajiyeen jadwal kama dambeys looga faroxalanayo 2015-ka, kadibna afti loo qaadayo horaanta 2016-ka.

Sharciyada kale ee hortabinta leh waxaa ka mid ah kan isgaarsiinta, duulista hawada sare, Hanti Dhawrka, Maxkamadda Dastuuriga ah, Iibka Qaranka iyo Golaha Addeega Garsoorka.

“Waxaa jira waxyaabo ay duruuftu ku fareyso, kuwaasi ayaanan soo hormarineynaa” ayuu yiri Buux.

Hadalka Gudiga ee ku saabsan aftida dastuurka ee la qaadayo 2016-ka ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay uu dhawaan sheegey in dastuurka afti loo qaadi doono sanadka 2015-ka.

Dhageyso

Goobjoog News