U bood dhigaalka

Cumar Filish Oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay Degmada Shangaani

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdsho, Cumar Maxamuud Filish ayaa guddoomiye cusub wuxuu u magacaabay degmada Shangaani.

Aweys Camuudi ayaa wareegto uu soo saaray Filish loogu magacaabay guddoomiyaha degmada Shangaani, wuxuuna bedalay Allaha u naxariistee guddoomiyahii hore Sahra Markeyzi oo ka mid ahayd mas’uuliyiintii ku dhintay qaraxii 24-July ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in guddoomiye Filish uu soo magacaabo guddoomiyeyaasha degmooyinka Waaberi iyo C/casiis oo iyaguna qaraxaasi ku dhintay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News