U bood dhigaalka

Cumar Maxamed: Saameyn kuma yeelan doono khilaafka madaxda dhismaha maamulka gobalada dhexe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudiga farsamada Maamul u sameynta Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa sheegay in shirka Maamulkaasi lagu dhisayo wax saamayn ah ku yeelan doonin khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dalka.

Cumar Maxamed Mahad Alle oo Gudigaasi ka tirsan ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo dadaalada lagu midaynayo labadaasi Gobol.

Waxa uu carabka ku dhuftay Mahad Alle in Gudigooda farsamada socdaal ay ku tageen degaanada Gobolkaasi si ayuu sheegay   waxgaradka kale ugala tashadaan hawsha ay hayaan.

Hadalkaan ayaa daba socda ka dib markii shalay si wadajir ah ay madaxda dalka u hakiyeen dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal, waxaana jira hadal hayn ah, in khilaafkaan uu sameyn ku yeesho fidinta Federaalka.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News