U bood dhigaalka

Cusbada Ka Timaadda Dalka Dibaddiisa Oo Ka Suuq Fican Midda Dalka

Sheeko:Dalka

Beeraleyda waddamada horumaray waxa ay ku tartamaan waxsoosaarka ay ka sameeyaan beerahooda, waxa ayna u suuq geeyaan waddamo badan oo dunida kamid ah.

Xoogsatada dalkeenna oo soo saara cusbada dabiiciga ah awood xooggan ayey geliyaan in dalagooda u soo go’ay u suuq-geeyaan suuqyada magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka, balse uma niyad wanaagsana sida kuwa kale ee dunida.

Xoogsatada soo saarta cusbada dalka ayaa waxa ay sheegeen in ay heystaan caqabado badan marka uu soo go’o dalagga cusbada, Cabdi Xasan Gaafow  oo ah maamulaha beerta cusbada ayaa Goobjoog News uga warramay caqabadaha heysta waxa uuna yiri:

“Cusbadu waxa ay heli jirtay shaqaale ku filan oo qofkiiba hadduu shaqo ka helo uu is dhihi jiray shaqadaada adkeyso balse hadda ma jirto arrintaasi, waddanka marxaladdiisii waa ay isbadashay dadkiina sidii hore maahan oo waa ay yaraadeen “.

Beeraha cusbada ee ku yaalla deegaanka Jasiira shaqaalaha jooga waa kuwo aad u yar  waxa ayna ku dadaalayaan sidii ay u soo saari lahaayeen kheyraadka cusbada ee ku jira dhulka, balse ma heystaan dhiirragelin ku aaddan suuq-geynta dalagooda waxaana suuqa uga badan cusbada laga keeno dibadda waxa ayna ku faaftay dhammaan xarumaha ganacsiga.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo arintani ka hadlaya ayaa yiri “Maalin maalmaha ka mida aniga oo qadeynaya ayaa waxaa la ii keenay cusbo gasac ku jirta, waxaan aqriyey cusbada cidda soo saartay waxaanna isdhahayey Soomaaliya ayaa soo saartay, cusbadii la ii keenay markaan se aqriyey waxaan ogaaday in uu Sacuudigu soo saaray, waxaan ballan-qaadayaa in aan cusbo la soo dhoofin”.

Halka suus ee cusbada ka timaada deegaanka Jasiira waa 4 kun oo Shilin Soomaali ah, halka cusbada dibadda ka timaado la gado rubicii qiimo gaaraya 23 kun oo Shilinka Soomaaliga ah.

Goobjoog News